In qofka marka uu weynaado ay timihiisu cadaadaan waa arrin dabicii ah, balse in qof dhalinyaro ahi uu cirro yeesho waxay ku abuurtaa walaac. Waxyaabo badan ayaa ka qeyb qaato cirrada soo degdegta. Waxaa jira cillado keeni kara cirrada waxaana ka mid ah xanuunka tayroodhka, dhiig yarida iyo fitamiin B12 oo qofka ku yaraada. Haddaba sidee loo joojin karaa cirrada? Ma se jirtaa habab looga hortegi karo? Hagaag, waxaa jira cunnooyin caawiya ka hortagga cirrada. Halkii ay aad ka welweli lahayd, joogtee cunnooyinkaan soo socda. Welwelka iyo stress-ku waxay soo dedejiyaan cirrada. Nafaqo darradu waxay ka mid tahay waxyaabaha sababaha cirrada, nafaqooyin kugu filan oo jirkaagu uu helaa waxay lagama maarmaan u tahay ilaalinta midabka tinta iyo caafimaadkeeda kale. Sidaas awgeed waa muhiim inaad doorato cunnooyinka caafimaadka u wanaagsan ee cirrada ka hortaga, koritaaanka timahana caawiya. Waxaa jira cunnooyinka sare u qaado unugyada jirka u sameeyo midabka ee loo yaqaano “Me...
Comments
Post a Comment