Madaxweynaha uganda oo ka hadlay

 Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay in ugu yaraan 54 meydadka saraakiil ka tirsanaa ciidamada Uganda laga soo saaray xerada milatari ee toddobaad kahor ay weerarka ku soo qaadeen al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada xisbiga talada haya ka hor sheegay in ciidamada Uganda ay dib ula wareegen deegaanka Buulo Mareer.

Museveni ayaa sheegay in taliyaha saldhiggaas, Gaashaanle Dhexe Korneel Edward Nyororo, uu ka mid ahaa saraakiishii ku dhintay weerarka.

Toddobaadkii la soo dhaafayna, madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiishiisa aysan waajibaadkooda u gudan sidii laga filayay isla markaana qalqal ku yimid uu al-Shabaab u suurtogeliyay inay la wareegaan xerada ayna burburiyaan qaar ka mid ah qalabka ciidamada Uganda.

Comments

Popular posts from this blog

Cuntooyinka Timaha Ka Ilaaliyo Cirrada